Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump Oo Soomaali Badan Soo Mustaafuriyey Maalmo Ka Hor Inta Aanu Xilka Ka Degin

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa illaa toddobaatan qof oo Soomaali ah ka soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Dadkan ayaa isugu jira dad magan galyo doon ah oo loo diiday magangalyada iyo dad galay dambiyo kala duwan kuwaasi oo ay maxkamadi xukuntay.

Ururada u dooda xuquuqda dadka Soomaalida ee Mareykanka ayaa sheegay in xiligaan dadkaan Soomaaliya lagu celin, sababo ammaan dartood.

Maxamuud Muuse Xasan (BBC) oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadkaan ay ku jiraan dad aan garaneyn Soomaaliya isla markaana aan waligood tagin.

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in laga celiyo dalkaasi 4,800 oo isugu jira qoxooti iyo dad danbiyo galay,illaa hadda 1,440 ayaa laga celiyay dalkaasi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this