Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
2-4.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Xasan Cabdinuur Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horay u wada galeen wasaaradaha labada dowladood.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, iyadoo la isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this