Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikhda Waxbarasho,Shaqo & Siyaasadeed ee Wasiirkii Hore ee Arimaha Debeda Seyoum Mesfin oo Milateriga Itoobiya Khaarajiyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumuu ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Itoobiya ee la dilay?

Seyoum Mesfin wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa intii u dhaxeysay 1991-kii ilaa 2010-kii
Seyoum Mesfin wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa intii u dhaxeysay 1991-kii ilaa 2010-kii

Milatariga Itoobiya ayaa Arbacadii sheegay in ay dileen Seyoum Mesfin, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii aasaasay xisbiga Tigray-ga ee Dhaqdhaqaaqa Xoreynta dadka reer Tigray (TPLF).

Seyum, oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya soo hayay intii u dhaxeysay 1991-kii ilaa 2010-kii, ayaa lala dilay hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan madaxda sare ee Tigray, sida ay taliska milatariga sheegeen.

Dowladda ayaa horay usoo saartay warqad maxkamadeed oo lagu soo xirayo Mesfin iyo saraakiisha kale ee xisbiga Tigray-ga wixii ka dambeeyay markii holwgalka milatari lasoo afjaray bishii November.

Abaalmarin lacageed oo dhan 10m birr ($254,000; £187,000) ayaa loo ballan qaaday ciddii keenta xog horseedi karta xariggooda.

Taliska Milatariga ayaa sheegay in ragga la dilay markii hore laga codsaday in ay isdhiibaan, balse ay ku gacan seydheen dalabkaas.

Tobannaan kale oo ka tirsan TPLF ayaa lagu dilay halka kuwo kalena lagu soo xiray howl-galkan ugu dambeeyay, sida ay saraakiisha federaalka sheegeen.

Kumuu ahaa Seyoum Mesfin?

Mesfin wuxuu ku dhashay magaalada Adigrat ee dalka Itoobiya 25-kii bishii January ee sanadkii 1949-kii. Waxbarashadiisa culuumta siyaasadda wuxuu kusoo qaatay jaamacadda Bahir Dar isagoo aqoon dheeraad ahna markii dambe kusii bartay jaamacadda Addis Ababa.

Seyoum Mesfin, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Itoobiya
Seyoum Mesfin, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Itoobiya

Seyoum wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii Xisbiga la magac baxay Xoreynta Shacabka Tigray ee loo soo gaabiyo TPLF, kaasoo uu marxalado badan lasoo maray wixii ka horreeyay inta uusan xukunka qabsanin.

1980-meeyadii wuxuu guddoomiye kasoo noqday dhaqdhaqaaqii kacdoonka dimuqraaddiyad doonka ee ka jiray Itoobiya.

Doorkii Arrimaha Dibadda

Markii xisbiga TPLF ay la wareegeen talada dalka Itoobiya, Seyoum Mesfin waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, isagoo wasaaraddaas maamulayay ku dhawaad 20 sano, intii u dhaxeysay 1991-kii ilaa 2010-kii.

Wuxuu saameyn weyn ku lahaa dagaalkii dhex maray waddankiisa Itoobiya iyo dalka dariska la ah ee Eritrea.

18-kii bishii June ee sanadkii 2000, Seyoum Mesfin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Haile Woldetensae, ayaa isla saxiixay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayay dagaalkii u dhaxeeyay labada dal.

28-kii bishii December ee sanadkii 2004-tii, Mesfin wuxuu khudbad ka jeediyay shirkii Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New York, kaas oo uu uga hadlay siyaasadda gobolka, gaar ahaan xiriirka Itoobiya ay la leedahay Eritrea iyo Soomaaliya.

Sanadkii 2007-dii, Seyoum wuxuu bishaamiyay in Eritrea ay meel uga dhacday heshiiskii ay labada dal isla galeen ee lagu soo afjaray dagaalka, wuxuuna intaas ku daray in Itoobiya ay iyaduna suuragal tahay inay dhankeeda ka baxdo heshiisyadaas.

Mesfin wuxuu aad ula soo shaqeeyay dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo sidoo kale dowladdii ku xigtay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Seyoum Mesfin wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka dariska la ah ee Soomaaliya
Seyoum Mesfin wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan dalka dariska la ah ee Soomaaliya

27-kii bishii May ee sanadkii 2007-dii wuxuu magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Soomaaliya uga qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya dib looga furay dayactir kaddib.

Khudbad uu xafladdaas ka jeediyay ayuu ku sheegay in dib u furitaanka safaaradda Itoobiya uu astaan u yahay nabadda ka jirtay Muqdisho, inkastoo xilligaas ay sii xoogeysanayeen kacdoonnadii looga soo hor jeeday dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ee markaas ku sugnaa Soomaaliya.

Sanadkii 2010-kii ayuu xilka Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya waayay kaddib markii lagu soo xulan waayay doorashadii baarlamaaniga ahayd.

Markii uu ka baxay howlaha xukuumadda, waxaa isla sanadkaas loo magacaabay safiirka Itoobiya ee dalka Shiinaha.

Sanadkii 2015-kii, Seyoum Mesfin wuxuu madax ka ahaa dadaalkii dhexdhexaadinta ee uu urur goboleedka IGAD ka dhex waday dhinacyadii isku hayay Suudaanta Koonfureed.

13-kii bishan ayuu Mesfin ku dhintay howlgal daba socday dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa 4-tii bishii November amar ku bixiyay in dagaal cirka iyo dhulka ah lagu qaado gobolka Tigray si loo afgambiyo xukunka xisbiga TPLF. Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ay xoogagga Tigray-ga weerar ku qaadeen saldhig ay gobolkaas ku lahaayeen milatariga Federaalka.

Abiy Axmed wuxuu dabayaaqadii November ku dhawaaqay in guul lagu soo afjaray dagaalkii Tigray, laakiin madaxda TPLF ee baxsadka ahaa ayaa wacad ku maray in ay dagaalka sii wadi doonaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this