Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Sacuudi Carabiya oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalal ay Soomaaliya ku jirto

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlada Sacuudi Carabiya oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalal ay Soomaaliya ku jirto
 2021114637462063306070711.jpg

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ogolaansho la’aan u safraan 12 dal oo uu saameeyay coronavirus, ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay Warkan.

Xogta ayaa sheegeysa in wadamadaasi ay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Warku wuxuu intaa ku daray in go’aankaa loo qaatay sababo la xidhiidha xasillooni la’aan ka jirta waddamadaas iyo ka feejignaanta  nooca cusub ee fayraska Covid19.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya kaddib markii Sacuudi Carabiya heshay toban kiis oo ah noocyada cusub ee coronavirus, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Saudi Arabia ayaa sheegay Khamiistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska la helay dadka qaba la karantiilay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this