Sign in to follow this  
Deeq A.

Faafin: Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir yaasin Cartan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii ugu horeeyay ee Arrimaha Bulshada Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Sagaalkii Wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

PUNTLAND POST

The post Faafin: Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir yaasin Cartan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this