Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Sacuudiga Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dawladda Sacuudiga ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay ogolaansho la’aan u safraan 12 dal oo uu saameeyay coronavirus, ilo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay.

Xogta ayaa sheegeysa in waddamadaasi ay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Afghanistan, Armenia, Somalia, Congo, Venezuela, iyo Belarus.

Warku wuxuu intaa ku daray in go’aanka loo qaatay sababo la xidhiidha xasillooni la’aan ka jirta waddamadaas iyo ka feejigaanta soo ifbaxa nooc cusub oo fayraska Covid19.

Go’aankaan ayaa kusoo aadaya kaddib markii Sacuudi Carabiya uu helay toban kiis oo ah noocyada cusub ee coronavirus, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee Saudi Arabia ayaa sheegay Khamiistii hore.

Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku dartay in dhammaan kiisaska la helay dadka qaba la go’doomiyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this