Sign in to follow this  
Deeq A.

DF iyo Mareykanka oo si wadajir ah howl-gal uga fuliyey Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Howl-gal military oo  ay wadajir u fuliyeen taliska ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu burburiyay xarun ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-Falaay oo hoostaga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Howl-galka waxaa kale oo lagu dilay mid ka dagaalyahanadii ku sugnaa xarunta la beegsada,  sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah intii lagu guda jiray howl-galkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa labo jibaaray howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this