Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo war cusub ka soo saaray talaalka Covid-19 ee Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xigatay sarkaal la taliye u ah xarunta ka hortagga cudurrada ee Afrika ayaa sheegay in Midowga Afrika uu helay ku dhawaad 300 malyan oo xabo oo tallaal ah oo looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Dadka ku nool qaaradda Afrika waxaa lagu qiyaasaa 1.2 balyan.

Nicaise Ndembi wuxuu sidoo kale sheegay in guddoomiyaha Midowga Afrika,Cyril Ramaphosa lagu wado inuu shaaciyo tallaalka.

Afrika waxaa laga diiwaangeliyay 3,085,009 qof oo uu ku dhacay cudurka Corona halka ay u geeriyootay in ka badan 73,504 qof, sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada ee Afrika

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this