Deeq A. Posted January 14, 2021 Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaalad kansanaan ah laga dareemayo deegaanka Gelinsoor ee gobolkaasi, kadib markii ay isku fadiyeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo gadoodsan. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus. Ciidamadan oo dhowaan tababar loogu soo xiray xerada Dhanka-Roone ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineyso. Sidoo kale saraakiisha ayaa ku goodiyey inay magaalada u kala xirnaan doonto, inta ay ka helayaan mushaaraadkooda xuquuqdooda. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites