Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Uganda maanta, waxaa la bilaabatay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka. Goobaha codbixinta ayaa furmay saaka todobadii subaxnimo.

Ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska ayaa lagu daadiyay guud ahaan caasimadda Kampala, waxaana waddooyinka waaweyn lagu arkaya gaadiidka gaashaaman.

Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono; waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka da’da yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.

Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine, ayaa sheegay in uu matalayo da’yarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.

Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Uganda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this