Sign in to follow this  
Deeq A.

Hillary Clinton oo u ololeynaysa in la daawado muuqaal ku saabsan dilkii Jamaal Khaashuqji

Recommended Posts

Deeq A.   

Hillary Clinton oo u ololeynaysa in la daawado muuqaal ku saabsan dilkii Jamaal Khaashuqji

 hillary.jpg
116499649_063e9078-6404-4f38-bb45-ce7ffe

Hillary Clinton ayaa u ololeyneysa in la daawado muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay dilkii bishii October ee sanadkii 2018-kii loo geystay Jamaal Khaashuqji, oo ahaa wariye maqaallada ku qori jiray wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka.

Mrs Clinton ayaa qof walba ugu baaqday in uu fiirsado filimkaas oo lagu magacaabay “The Dissident” kaasoo ay ku tilmaantay mid layaab leh.

Erayga “Dissident” oo naaneys ahaan looga dhigay Jamaal ayaa micnihiisa afsoomaaliga ah wuxuu ka dhigan yahay tilmaanta qof kasoo horjeeda maamul dhisan.

“Haddii aadan horay u daawanin The Dissident, waxaan rajeynayaa in aad hadda daawan doontid,” ayey Hillary barteeda Twitter-ka kuwoo qortay maalintii Talaadada.

If you haven't seen #TheDissident, I hope that you will. This incredibly powerful documentary about the assassination of journalist Jamal Khashoggi at the hands of the Saudi government is available to watch now: https://t.co/FMB43ngyoc

— Hillary Clinton (@HillaryClinton) January 12, 2021

Haweeneydan horay u ahaan jirtay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, marna u tartantay doorashada xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa qoraalkeeda intaas kusii dartay: “Dukumintarigan ay awooddiisu aadka u sarreyso wuxuu ku saabsan yahay dilkii gacmaha dowladda Sacuudiga loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, waana diyaar oo waa la daawan karaa hadda.”

Muuqaalka “The Dissident”, oo uu hagay filim soo saaraha caanka ah ee lagu magacaabo Bryan Fogel, wuxuu sharraxaad dheer ka bixinayaa wax lagu tilmaamay “xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka dambeeya dilka” Khaashuqji oo lagu fuliyay gudaha Qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul, sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Muuqaalkan waxaa laga heli karaa Apple TV, waxaana lagu tilmaamay mid bannaanka soo dhigaya xogta dahsoon ee ku saabsan dambigii argagaxa galiyay caalamka.

Waxay Wakaaladda Anadolu sheegtay in filimkan ay ku jiraan xaqiiqooyin aan horay waxba looga sheegin, muqaallo ay duubeen kaamirooyinka kormeerka iyo macluumaad kale.

Jamaal Khaashuqji, oo ahaa 59 jir ahaa waxaa la dilay 2-dii bishii October ee sanadkii 2018-kii, howlgalkii lagu dilayna waxaa fuliyay rag xilligaas uun tagay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Turkiga.

Hayada iyo shakhsiyaadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dilkaas uu ahaa mid qorsheysan oo uu amar kusoo bixiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, in kastoo amiirka iyo xukuumadda Riyaad ay eedeymahaas beeniyeen.

Dambi baareyaal u dhashay Turkiga iyo dacwad oogeyaal ayaa ku holan baaritaanka falkaas, halka hoggaamiyeyaal badan ay ku baaqeen in dadkii dilkaas geystay caddaalad la mariyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this