Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Wakhti Ku Daray Goobaha Diwaangelinta Ee Gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wakhti dheeraad ah ku daray goobaha ay ka socoto diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka Sool.

Waxaana warbaahinta la hadlay guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka qaranka, oo sheegay in ay maanta ay ugu dambaysay muddadii afarta cisho ahayd ee loogu talo galay gobollada ay diwaangelintu ka socoto, taas oo uu tilmaamay in ay si wanaagsan ku soo gebogebawday, wuxuuna intaas ku daray in guddidu intii ay diwaangelintu ka socotay goobahaas ay qiimeyn ku sameynayeen meelaha u baahan in wakhti dheeraad ah lagu daro islana qaateen inay wakhti dheeraad ah ku daraan degmooyinka Laascaanood, Xudun iyo Taleex, oo ay ka sii wadi doonaan shaqada hawl-wadeenada diwaangelintu, iyada oo ay jiri doonaan tiimam wareegaya oo amraya deegaano kala duwan.

Waxayna ka bilaamaysaa muddada lagu daray in ay diwaangelintu goobahaas ka sii socoto maalinta bari ee Khamiista ah bishuna tahay 14-01-2021 kuna eeg 16-01-2021, waxa kale, oo intaas dheer goobo ku yaala gudaha magaalada Laascaanood oo muddo todoba cisho ah diwaangelintu ka sii socon doonto.

Geesta kale, guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka qaranku waxa uu bulshada gobolka Sool ugu baaqay inay ka faa’iideystaan wakhtiga dheeraadka ah ee loogu daray diwaangelinta, isaga oo uga mahad-celiyey sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybqaateen habsami u socodka diwaangelinta

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this