Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa iscasilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalka  Shiikh Nawaaf Al-Axmad maanta oo Arbaca ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan  baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaanka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo is-casilaadda xukuumaddiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this