Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Lafta Gareen oo bilaabay dadaallo ku aadan doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu bilaabay dadaallo ku aadan sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ugu dambeeyey uu Khadka Taleefanka kula xiriiray madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Lafta Gareen uu kala hadlay muranka doorashada, gaar ahaan soo magacaabida guddiyada labadaasi maamul.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in Axmed Madoobe iyo Siciid Deni aysan weli jawaab rasmi ah ka bixin dalabkaasi, si loo guda-galo wada-hadallada doorashooyinka.

 

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ugu dhowaaqday hirgelinta doorashada, si aan waqti kale looga lumin dadka Soomaaliyeed.

Doorashada soo socota ee Soomaaliya ayaa isugu jirto tan baarlamaanka iyo sidoo kale madaxweynaha, iyadoo isha si aad ah loogu wada-hayo tartanka oo ah mid xiiso badan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this