Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland Oo Dad U Xidhay Qarax Ka Dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa howlgallo xalay ka sameeyeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxay ku soo qabtay dhowr qof oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay magaalada.

Qaraxan oo ahaa Bam gacmeed ayaa lagu weeraray goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland.

Illaa saddex qof oo laba askari ah iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa bambaano ee lagu weeraray xarunta lagu diiwaan gelinayay cod bixiyeyaasha.

Ciidammada Booliska Somaliland ayaa howlgallo tan iyo xalay ka sameeyeen xaafadaha Laascaanood ayaa waxay soo qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qaraxaas.

Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa amnigeeda soo hagaagaya sannadihii u dambeeyay, waxaana magaaladaas hore uga dhacay dilal

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this