Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenka ku jiro BF oo ku baaqay dhaqan-gelinta doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan maanta Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada haweenka ah ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayey ka soo saareen baaq ku aadan xoojinta xasiloonida siyaasadeed ee dalka, ayagoo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku adkeeyay dhaqan gelinta heshiiskii doorashada 17 September, 2020.

Xildhibaanada  ayaa soo saaray war saxaafadeed ka kooban ilaa todobo qodob, oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaalinta xasiloonida dalka gaar ahaan xilliga doorashada, ilaalinta qoonddada dumarka 30% iyo meel marinta heshiiska doorashada isla maraana laga baaqsado wax kasta oo keeni karo fowdo iyo kalsooni daro.

Sahro Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ka tirsan golaha shacabka ayaa bayaanka xildhibaanada ay soo saareen u akhrisay saxaafadda, iyadoo carrabka ku adkeysay ahmiyadda ay dalka u leedahay qabsoomidda doorashada loo dhan yahay.

Haweenka xildhibaanada ah ayaa sheegay in ay taageereyaan qof kasta oo ka shaqeynaya isu soo dhoweynta aragtida kala duwan xilligan xasaasiga ah ee doorashada loo diyaar garoobeyo.

Bayaanka mudaniyaasha ayaa sidoo kale waxaa ku jirey in madaxda heer federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga qaban qaabada doorashada laga codsaday in haweenka murashaxiinta ah laga dhimo lacagta diiwaan gelinta doorashada.

Kulanka ayaa imaanaya, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday hirgelinta doorashada baarlamaanka labada aqal.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-5-300x200.jpg 34e2d03a-0836-4b71-837b-015974c2db28-300 39c56ce2-1615-496c-967d-3180c27d615a-300 62f324cd-71fa-4091-8d17-84c1e1aba524-300 83c3c6e0-cbe5-4328-94d4-0ca201b50a77-300 94babc7a-b061-443f-9255-83a8aee036f2-300 3964e6b2-b08e-42ee-aaea-32e3b5a86a74-300 6766a72a-3a88-4cd0-8a82-02ed1f806dc9-300

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this