Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dad u xirtay weerar ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo isugu jiro askar & shacab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xalay howl-gallo ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka la soo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan ku lug-lahaanshaha qaraxaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo uu si caadi ah ku soolaabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka intaba.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, iyada oo ay howl-gallo ka bilaabeen ciidanka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this