Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay dileen sarkaal Shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Ciidamada Milatriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay tuulooyin hoos yimaadda degmada Baardheere, ayaa bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay mid kamid ah Saraakiisha Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka, waxaa la tilmaamay in Sarkaalkaas Meydkiisa la soo bandhigay.

Saraakiisha ciidanka Milatariga dowladda dalka ayaa sheegay in howlgaladii la sameeyay ay kula wareegeen tuulooyin ay kamid tahay Kormari oo Alshabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaan hoostega Magaalada Baardheere waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Shabaabka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray labada dhinac, waxaana xusid in Taliye Maxamed iyo Ciidamo gurmad ahaan ugu socday Ciidanka weerar, lala eegtay qarax khasaaro dhaliyey.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay dileen sarkaal Shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this