Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhammaan dadka Mareykanka imanaya oo amar lagu soo rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiinta caafimaadka Mareykanka ayaa shaaciyay, in haatan kaddib qof walba oo raba in uu yimaado Mareykanka la weydiin doono, warqadda bed-qabka xanuunka COVID-19.

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurrada ee loo so gaabiyo CDC ayaa sheegtay, in amarkaan oo muddo laba todobaad ah ku dhaqangali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya America.

Dalka Mareykanka, xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu ku dhacay in ka badan 22 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 375 kun oo qof.

Amarka cusub ayaa imanaya xilli tiro maalmeedka dadka cudurka u dhimanaya ay shalay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii uu cudurka dillaacay, ayada oo ay dhinteen in ka badan 4,500 qof.

PUNTLAND POST

The post Dhammaan dadka Mareykanka imanaya oo amar lagu soo rogay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this