Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Somaliland oo shakhsiyaad u xiray Qarax ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliiska Somaliland, oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga dhigay shakhsiyaad kala duwan, kadib Qarax halkaas ka dhacay.

Lama sheegin tirada dadka lagu xiray Hawlgalkaas, oo daba socday Qarax lagu weeraray xarunta diiwan-gelinta Cod-bixiyaasha Doorashooyinka Somaliland ee Laascaanood.

Qaraxa waxa ku dhaawacmay askar ka tirsan Ciidanka Somaliland iyo qof shacab ah, waxana burbur ka soo gaaray xaruntii la weeraray, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, oo khalkhal ku abuuray Barnaamijka diiwan-gelinta Cod-bixiyaasha ee ka socda magaalada Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Somaliland oo shakhsiyaad u xiray Qarax ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this