Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Maxkamad Ciidan oo weriye kilwe ku soo oogtay dacwad la xiriirta isku day dil

Recommended Posts

Deeq A.   
Weriye.jpg?resize=1000%2C871&ssl=1Weriye Kilwe Aden Faarax

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Puntland, ayaa dacwad isku day dil ku soo oogtay weriye Kilwe Aaden Faarax, oo mudda lix iyo toban maalmood ah u xiran dowladda, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane.

Guddoomiye Caynsane, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in weriye Kilwe Aaden uu mudda shan iyo toban maalmood ah u xirnaa hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland PISA, kadib markii ay ka af-duubtay gudaha magaalada, islamarkaana si sharci-darro ah ugu haysay meel aan xabsi ahayn.

Guddoomiyaha MAP, wuxuu sheegay in weriye Kilwe shalay loo wareejiyay Xabsiga weyn ee Garoowe kadib markii xabsi-xalaalayn loo jiray, halkaasna ay maanta ku booqdeen mas’uuliyiinta MAP iyo xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Mr. Caynsane, ayaa sidoo kale caddeeyay in suxufi Kilwe Aaden ay u qabteen Qareen, si dacwad loogu oogo hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland, oo uu mudda shan iyo toban cisho ah u af-duubnaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka MAP, wuxu walaac xooggan ka muujiyay hanjabaad iyo caga-juglayn xiriir ah oo Xukuumadda Puntland ku hayso Suxufiyiinta madaxa-bannaan, waxaana uu dalbaday in lagu dhaqmo Dastuurka iyo sharciga, lana joojiyo ku xad-gudubka weriyaasha.

Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Garowe: Maxkamad Ciidan oo weriye kilwe ku soo oogtay dacwad la xiriirta isku day dil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this