Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=768%2C1024&ssl=1

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka wasiirka Warfaafinta uu la qaatay Danjire Qin Jian waxa mudadii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta labada dal sida uu shaaciyay Wasiir Dubbe.

Sidoo kale  waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah kaasi oo u dhexeeya labada dowladood,lagana fogaado waxkasta oo xiriirkaasi wax u dhimi kara.

Danjire Qin Jian ayaa soo dhaweeyey hadalka wasiirka Warfaafinta,isagoo balanqaaday in warbaahinta labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo ilaalinta danahal labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this