Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Doorashada bilaabaya, Xagee laga bilaabayaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo wuxuu jeexaybshaxda Doorashada oo uu howlwadeeno u iga dhigay Qoorqoor, Laftagareen, Guudlaawe iyo Nin ay isaga isku Beel yihiin.

Sida aan xogta ku heyno waxaana Villa Soomaaliya lagu hayaa Liiska Musharixiinta iyo Dadka larabo iney kusoo baxaan Doorashada tasoo macneheedu yahay in horay loo qorsheeyey Dadka u soo gudanaya Aqalka Sare ee Deegaanadaan.

Jowhar, Baledweyne, Dhuusamareeb æ, Koonfurta Gaalkacyo, Baydhabo, Baraawe iyo Garbahaaray oo Gedo ah ayay qorsheeyeen in Ay Doorashadu ka dhacdo.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in Gobolka Gedo uu hormuud ka yahay Nin ay Madaxweynaha isku Beel yihiin inkastoo ay Villa Soomaaliya hayso hada Senetarada kasoo baxaya Deegaanadaas.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waa Ninka u horeeya ee bilaabaya Doorashada waa sida ay qorsheeyeen Villa Soomaaliya.

Magaalada Baledweyne oo wali Buuq ka taagan yahaybiyadana Doorasho Dadka la tusayo ayay Qorsheynayaan inay ka dhacdo laakiin Liiska mar in lasoo xulay ayaa loo badinayaa.

Filimka meesha ka socdaa waa mid horay looga daawadey Dhuusamareeb iyo Jowhar, Doorashooyinkii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay kusoo baxeen oo kale ayay shaxdaan u egtahay.

Magaalada Muqdisho waxaa jira guux Siyaasadeed iyo Ciidamo horay uga tirsanaa kuwa Dowlada oo gadoodsan kuwasoo Xukuumadu ku shaabadeyssy inay yihiin Ciidamo Beeleed.

Senetor Muuse Suudi ayaa isna shalay Sheegay in Doorashada uu Farmaajo wado ay tahay mid uu u qabanayo Beelaha Mogadishu Clan iyo Raxanweyn, tasoo macneheedu ahaa Labadaan Beelood Afarta sano ee soo socota Hogaamiyohoodu waa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Doorashada bilaabaya, Xagee laga bilaabayaa appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this