Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug Oo Si Heer Sare U Maamuusay Kooxda Galmudug Ee Kaalinta Labaad Ka Gashay Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxdweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa kulan mahadcelin u sameeyay ciyaartooyda Galmudug ee kaalinta labaad ka galay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo ay ku guulaystey xidigaha Gobolka Banaadir.

136973146_3628882547148747_3738906687312

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahadceliyay madaxdweyne Qoorqoor iyo madaxda kale ee Dowladda kaalinta ay ka qaateen guusha ay ciyaartooyda Galmudug ka gaareyn tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

0Y1A9125.MOV.14_22_17_12.Still001-1024x5

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug Xuseen Cabdulle Xuseen ayaa sheegay in ahmiyadooda ugu weyn ay tahay ay tahay in sanadaha soo aadan ay kooxda Galmudug ku guulaysanayso tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka  Banaadir.

MVI_9937.MP4.00_00_01_06.Still001-1024x5

Guddoomiye Ku  xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Faandhe ayaa u mahadcelisay kooxda Galmudug sharafta ay u soo hooyeen dadka reer Galmudug,waligooda aysan iloobidoonin ciyaartooyda Galmudug ee 2020 wacdaraha ka dhigay garoomada caasimada Muqdisho.

MVI_9942.MP4.00_00_00_00.Still001-1024x5

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in ciyaartooyda iyo Macallimiinta Galmudug ay kor u qaadeen magaca iyo sharafta Galmudug,balse guushan ay bilaw u tahay horomarka iyo is badalka ka dhacay maamulka Galmudug horaantiin sanadkii hore 2020.

136767975_3628882950482040_7744878568145

Daawo Kulankii Madaxweyne Qoor-Qoor Iyo Kooxda Galmudug

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this