Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira inay jiraan ciidamo ka soo horjeedo doorashooyinka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-Cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Sidoo kale waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this