Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay M/ Baydhabo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Lafta Gareen ayaa kadib ku laabashadiisa Baydhabo si rasmi ah u bilaabi doono doorashada xildhibaanada Aqalka Sare, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ku dhawaaqista ee hirgelinta doorashooyinka, xilli uu weli jiro khilaafka ka taagan hanaanka doorashada.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa shirarka ay waday Villa Soomaaliya ee looga hadlayey doorashooyinka 2021-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

138611477_740953129874660_46202974510931 138788317_740953076541332_42149568315586138061548_740953023208004_19709158114438 138284606_740953406541299_15490882924824 138394486_740953179874655_20657222257031

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this