Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Lafta Gareen oo ‘doorashada Aqalka Sare ka bilaabayo’ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib kulamo uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Lafta Gareen, kadib laabashadiisa Baydhabo uu si rasmi ah u guda-geli doono maamulkiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa horey loogu qorsheeyey inay noqoto maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba doorashada dalka, gaar ahaan tan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ku dhawaaqista ee hirgelinta doorashooyinka ee looga dhowaaqay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, xilli uu weli jiro khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka ay wado dowladda dhexe.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, isaga oo la xiriiray hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland, balse weli ma jirto arrin la’isla meel dhigay.

Villa Soomaaliya ayaa isku dayeysa sidii doorashada dalka ee 2021-ka looga bilaabi lahaa saddexda maamul goboleed ee Koonfur Galbeed, HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli walaac muujinaya midowga musharraxiinta ee ka qeyb-galaya doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

138611477_740953129874660_46202974510931 138788317_740953076541332_42149568315586138061548_740953023208004_19709158114438 138284606_740953406541299_15490882924824 138394486_740953179874655_20657222257031

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this