Deeq A. Posted January 12, 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlagalka AMISOM lagula eegaty gobolka Jubbada Hoose. Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingow ee xuduud beenaadka dhaca ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan lagula beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah. Ugu yaraan illaa 7 askari oo ka tirsanaa melatariga Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa oo ka dhacay wadada xiriirisa Dhoobleey iyo Hoosingow. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Al Shabaab askarta qaraxa lagu dilay waxaa kamid ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga Kenya, kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Holland. Waa qaraxii 2aad oo 24 saac gudahood ciidamada Kenya lagula beegsado deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, qarax shalay ka dhacay deegaanka Taabto ayaa sababay dhimashada 17 askari oo ka tirsan ciidamada loo yaqaan KDF. View the full article Share this post Link to post Share on other sites