Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda dalka oo berri ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in qabanayso Shirka madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda Soomaaliya kaasi oo loogga hadlaayo siddii ganacsatada iyo beeralaydu ba iskaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo in suuqyo ganacsi oo gudeed iyo kuwo caalami ah ba loo raadiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Shirkan oo la filaya maalinta berri ah oo ku beegan 13-ka Janaayo 2021 ka qabsoomi doona Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeyb-gali doona madaxda Wasaaraddaha ganacsiga iyo beeraha dowladda Soomaaliya, masuuliyiin ka socoto wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha dawladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe,iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, ganacsato, Beeralay iyo weli ba sidoo kale marti-sharaf kale oo tiro badan.

Shirkaan qaban qaabadiisa waxaa isla leh wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka iyo in la dhiirigaliyo beeraaleyda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeralayda dalka oo berri ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this