Deeq A. Posted January 12, 2021 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ee soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo doorka ay warbaahinta kaga qeyb qaadan karto wacyigelinta bulshada. Rooble ayaa adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin xilligan dalku ku jiro Doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda wacyigelinta bulshada. “Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxa ay kaalin mug leh ka soo qaateen dhismaha dowladnimada,nabadeynta,wargelinta iyo wacyigelinta bulshada,howshaas oo ay dhimasho & dhibaatooyin kale u muteen. Xilligan oo dalku doorasho galayo waxaan ku dhiirrigalinayaa in ay doorkooda ka qaataan jiheynta iyo xogsiinteeda bulshada”. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites