Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwada koowaad ee dalka oo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Marwada koowaad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa gaartay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti kaddib casuumaad ay ka heshay dhiggeeda Marwada koowaad dalkaas Marwo Khadra Maxamuud Xayd.

Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo Wafdiga ay hoggaamineyso waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Jabuuti, Marwada koowaad ee dalka Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, Safiirka JFS u fadhiya dalkaas Mudane Salaad Cali Jeelle iyo diblumaasiyiin kale.

Safarka Marwada koowaad ee dalka, waxa ku wehelinaya Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, iyadoo ay kulan doceedyo la qaadan doonan madaxda dalka Jabuuti si loo adkeeyo xiriirka walaalnimo ee labada Waddan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this