Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaabiis Baxsad Ah Oo Laga Raadinayo Gudaha Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-California)-Lix maxbuus ayaa baxsad ku ah gudaha dalka Mareykanka kaddib markii ay dabayaaqadii toddobaadkan jabsadeen xabsi ay ku jireen oo ku yaalla gobolka California, iyagoo isticmaalay xadhig ku meel gaadh ah oo ay sameysteen.

Tobannaan dambi baadheyaal ah ayaa gobolkaas ka wada howlgal lagu raadinayo ragga xabsiga ka baxsaday.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shacabka uga digay in maxaabiista soo baxsatay ay noqon karaan “kuwo hubeysan oo khatar ah”.

Mid ka mid ah ragga dhuumaaleysiga ku jira ayaa u xidhnaa dacwad la xidhiidha dil

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this