Sign in to follow this  
Deeq A.

25 ruux oo lagu qabtay Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Hawlgal.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ilaa 25 ruux ayaa lagu qabtay Hawlgal qorshaysan, oo xalay Laamaha kala duwan ee Amniga Puntland ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Hawlgalkan oo qaatay in ka badan sagaal saacadood oo xiriir ah, waxa laga sameeyay dhammaan xaafadaha Boosaaso iyo qaar kamid ah Hoteellada magaalada, kuwaa soo laga soo qabtay shakhsiyaad laga shakiyay.

Dadka lagu qabtay Hawlgalkaas, oo qaarkood lala xiriirinayo Al-shabaab iyo Daacish, waxa sida Booliisku shaaciyay lagu samayn doona baaritaano kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, oo warbaahinta la hadlay Hawlgalkaas kadib, ayaa Bulshada ka codsaday in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga.

PUNTLAND POST

The post 25 ruux oo lagu qabtay Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this