Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharixiinta oo markale caawa isu yimid

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisha waxaa ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay Yeelanayaan Qaybaha Soyaasada waxaana looga arinsanayaa hal Ajande oo iskumid ah waa Doorashada.

Hotel Jazeera waxaa ku kulansan Musharixiinta ku mideysan Madasha, waxayna ka arinsanayaan kulankii Xalay ay la yeesheen Sadexda Madaxweyne Goboleed ee Koonfurta Soomaaliya, Kulankaas Xalay waxaa la soo sheegey in lagu kala tagay natiijo la’aan.

Kulanka Caawa Musharixiintu isugu uomaadeen wuxuu ka dhashay natiija la’aanta kulankii Xalay.

Dhinaca kale Villa Soomaaliya waxaa iyana ka socda kulan uu Madaxweynuhu la shirsan yahay Taliyaha Nabadsugida Fahad Uaasiin iyo Lataliyayaashiisa Khaaska ah, waxaa lagusoo waramayaa in kulankaas uu bilowdey Galabnomadii hore ee Maanta.

Warar waxaa jira sheegaya in Madaxtooyadu ay dedejinayso in Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar ay dedejiyaan soo xulida Xubnaha Aqalka Sare.

wixii kasoo baxa kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

The post Midowga Musharixiinta oo markale caawa isu yimid appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this