Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Cimaamada ka tuuray Qoorqoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor Wuxuu is tusay inuu Dib usoo celin karo Sumcadiisii uga luntay Shirkii Dhuusamareeb ee uu Madaxweyne Farmaajo ka faramsrooqsadey xili uu meelwanaagsan marayay iyo waliba xiligaasoo Qoorqoor oo marti loo ahaa aad loogu amaaney Shirkii Dhuusamareeb, Amaantaas waxaa lugta marayiyey Madaxweyne Farmaajo oo afduubay Dhuusamareeb III.

Inuu ka shaqeeyo u kala dabqaadis iyo isusoo dhaweyn Mucaaradka iyo Villa Soomaaliya ayaa Madaxweyne Qoorqoor u arkay Jaanis uu dib kulasoo laaban karo magacii kaga lamey Shirkii Dhuusamareeb,

Go’aan iyo fikir fiican ayuu qaatey, Balse ma ku guuleystay

Dabayaaqadii bishii Decembar wuxuu Madaxweyne Qoorqoor kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland, waxaa xigay oo uu Kula kulmay Garowe Madasha Xisbiyada, Axmed Madoobe iyo mar kale Madaxweyne Deni, wuxuu bilaabay Odeyayn lasoo dhaweyey, Oo Mucaaradka iyo Madaxweyne Deni ay u arkayeen inuu waxuun guula ka gaari karo.

Laakiin sida aan Xog ku heyno Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka biya diidanaa tan iyo Bilowgiiba waanwaanta uu bilaabay Qoorqoor, wuxuuna u arkayay Qoorqoor Nin aan go’aan qaadan karin ama Gar aan gali karin.

Mucaaradka, Qoorqoor, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxaa la isla meel dhigay dhowr qodob oo Qolyahaan Mucaaradka ah dalbadeen, Hal qodob mooye Qodobada kale waxay ahaayeen kuwo ku salaysan Heshiiskii Sebtembar, iyo Qodob si gaara uu Axmed Madoobe u dalbadey oo Fariin ku socota Madaxweyne Farmaajo ahayd.

Qodobka ka baxsan Heshiiskii Sebtembar wuxuu ahaa in Gudiga Doorashada ee Xukuumadu Magacawday gabi ahaanba lakala diro, hadii laga maarmi waayana laga saaro 6 Xubnood oo qaarna Ciidan yihiin Qaarna ay ka shaqeeyaan Villa Soomaaliya.

Qodobka Axmed Madoobe Dalbadey ama Fariinta ahaa lama oga ilaa hada wuxuu ahaa, Wuxuuna sigaara ugala dardaarmay Qoorqoor.

Laabashadii Qoorqoor ee Muqdisho

Madaxweyne Qoorqoor wuxuu dib ugu laabtay Muqdisho si uu ula kulmo Madaxweyne Farmaajo iyo Ragiisa.

Warar laga soo xigtey Siyaasiyiin waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo, uu Qoorqoor ku amray inuu faraha kala baxo waanwaanta uu wado, waxaana soo baxay Hadaladii Axmed Madoobe ee uu ka digay Waan waan Qoorqoor wado inaysan mida dhalayn.

Waa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo uu bahdil ku sameeyo Qoorqoor, Wuxuu ahaa Masuul ay Masuuliyiin kale ka sugayeen Jawaab.

Farxaan Cali Cusmaan

Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo wuxuu Cimaamada ka tuuray Qoorqoor appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this