Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo isu diyaarisay Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo

Recommended Posts

Deeq A.   

Israel oo isu diyaarisay Dagaal laga cabsi qabo inuu qarxo

932B10E9-B341-4A1D-AE18-064C63D6E030_w10

Israel ayaa habkeeda difaaca gantaallada gaysay koonfurta dalkaas, taasi oo lagu macneeyey taxaddar iyo isu-diyaarinta weerar ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado.

Qeybo ka mid ah habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa lagu arkayey waddooyinka magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat.

Sida ay sheegeen warbaahinta Israel, difaacyadan ayaa halkaas la geeyey kahor sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii giuutada Quds ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo sanad kahor ay Mareykanka ku dileen magaalada Baghdad.

Sanad-guurada dilka Soleimani oo ku beegneyd 2-da Janaayo ayaa laga soo gudbay hase yeeshee difaacyadan ayaa weli halkooda yaalla.

Warbaahinta qaar ee Israel ayaa ku warramay inay jirto cabsi kale oo la xiriirta xiisadda kacsan ee gobolka, kahor inta aan xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaarin Joe Biden, 20-ka Janaayo 2021.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this