Deeq A. Posted January 11, 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska oo marayey agagaarka isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley. Ugu yaraan yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay qaraxan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo nooca miinada dhulka aaso iyo dilal qorsheysan intaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites