Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sheekh oo beeniyey arrin la sheegay in mucaaradka ay qorsheynayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kalena kamid ah midowga musharixiinta mucaaridka ayaa markii u horeysay beeniyay inay mucaaadka ay qorsheynayaan inay ka hortagaan inay dhacdo doorasho kahor 8-da Febraayo, si waqtiga uu uga dhaco Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan marnaba qeyb ka noqoneyn dib u dhac ku yimaada dalka, isagoona meesha ka saaray in musharaxiinta mucaaridka ay diyaar u yihiin dagaal, isla markaana ay ‘si kas ah’ u gaarsiinayaan in xiligeeda ku dhici weydo doorashada.

“Anaga tallo xumo iyo hoog kama talino, dadka ka talin lahaana maahin, dalkaan meesha uu u jihaysan lahaa, 8 Feb in la gaaro cida xilka haysa ayaa mas’uul ka ah ani kama ahi,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Xasan ayaa si weyn ugu dhaliilay dowladda oo uu sheegay inay diidan tahay dhaqan-gelinta heshiiskii doorashada ee ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay isku dayeyso inay boob ku sameyso doorashada dalka, kadib markii ay ciidamo hor leh u daabushay qeybo kamid ah dalka, taasi oo uu si adag uga digay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in musharaxiinta mucaaridka aysan diidaneyn in si sax ah loo bilaabo hanaanka diiwaan-gelinta, taasi oo haddii ay sababto dib u dhac u hogaansamayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax socdaa rabnaa, doorashadii oo si sax ah ku socota rabnaa, haddii doorashadii oo socota ay nala dhaafto 8 Feb, waaba socotaa ee ma anaga ka dhex qeylin karna, waa ku dhex jirnaa markaas,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Xasan Sheekh Maxamuud.

Midowga musharaxiinta ayaa iyagu hore uga biyo diiday in hal maalin ay kadib dhacdo doorashada, iyada oo hadalka Xasan Sheekh u muuqdo tanaasul cusub oo ay ku rabto in doorasho wada-ogol ah ay dalka ka dhacdo, taasi oo la ogeyn sida ay uga fal-celin doonto dowladda.

Rumours that the presidential candidates are against the holding of timely elections to buy time and push the election impasse till 8 February, is not correct. Contrarily, it is the govt that had failed to implement the September 2020 election agreement and continues to do so pic.twitter.com/hZPYMXgj8P

— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) January 11, 2021

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this