Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Xuutiyiinta Yemen U Aqoonsaday Koox Argagaxiso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay liiska kooxaha argagaxisada ah ku dartay kooxda shiicada ah ee Xuuthiyiinta dalka Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda wakhtigeeda sii dhammaanayo ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhawaan ay Baarlamaanka u gudbin doonaan go’aankan si loo ansixiyo.

Wuxuu sheegay in saddexda hoggaamiye ee ugu sarreeya kooxdaasi lagu daray diiwaanka hoggaamiyayaasha argagaxisada caalamiga ah.

Xukuumadda Trump ee Maraykanka ayaa muddooyinkii danbe waday cadaadis xoogleh oo ay saarreyso Iran iyo xulafada ay ku leedahay dalalka Carabta.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey xuuthiyiinta weerarada dadka rayidka ah lagu dilay oo ay ka geysteen gudaha wadanka Yemen sida weerarkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Madaarka magaalada Cadan 30kii December 2020 oo ay ku dhinteen 26 qof iyo weerarada kale oo ay la beegsadaan dalka ay jaarka yihiin ee Sacuudiga oo kamid ah xulafada Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this