Sign in to follow this  
Deeq A.

Af-hayeenka Al-shabaab oo amray in meeshi lagu arko lagu dilo mas’uul ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga soo duubay ku amray in la dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowladda Puntland, Cabdilladiif Muuse Nuur (Sanyare).

Cali Dheere, wuxu sheegay in aysan marna u dulqaadan karin dagaalka Guddoomiye Sanyare ku hayo Kooxda Al-shabaab, sidaas darteedna uu amar ku bixiyay in meeshii lagu arko lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Sidoo kale, wuxu tilmaamay in Gobolka Mudug uusan soo marin nin sidaas ay uga go’antahay La-dagaallanka Al-shabaab, islamarkaana doonaya in uu masaajidda ka ugaarsado dagaallamayaasha kooxda.

Af-hayeenka Al-shabaab, ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiye Sanyare uu Culimaa’udiinka masaajidda ku dirqinayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taasina muujinayso halka uu gaarsiisanyahay dagaalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Af-hayeenka Al-shabaab oo amray in meeshi lagu arko lagu dilo mas’uul ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this