Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimida Puntland oo War Kasoo Saaray Muranka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaafka ka taagan doorashooyinka federalka Soomaaliya, taas dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey in ay ka qabsoonto maamullada laguna soo doorto Baarlamaanka 11-aad.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta waxaana uu xusay in madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ay kala hadleen sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagaan arrimaha doorashooyinka.

Waxaana uu intaas uu ku daray in labada madaxweyne ay Isimada ka aqbaleen in laga wada hadlo khilaafaadka jira ee ka dhashay qaabka ay xukuumaddu u wajahayso, iyadoo ay saluugeen labada maamul iyo dhanka musharraxiinta

“Waxaa nasiib wanaag ah inaan labada madaxweyne aan si gaar ah uga hadalanay, waxaa ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin sidii ay wax u qabsoomi lahaayeen, wixii madmadow ah ee jirana sidii meesha looga saari lahaa, ra,iisalwasaaha laftirkiisa teleefan ayaan iskula hadalnay,” ayuu yiri boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqrka Burhaan oo hadalkiisa siiwato ayaa baaq u diray madaxda maamullada iyo kuwa dowladda waxaana uu yiri “Runtii waxaan leeyahayMas’uuliyiinta Soomaalida hadii ay yihiin dowlad goboleedyada madaxweynayaashooda ama haddii ay dowladda federaalka tahay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha dhammaantiin mas’uuliyad ayaa idin saaran inta idin saaranna waad u dhaarateen illaahey kitaabkisa ayaad ugu dhaarateen inaad umaddaas maslaxadooda aad  ka shaqeynaysaan Illahey waa idin waydiinayaa, umaddaas aad u shaqenaysaan allah hortii”

Dhanka kale Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu sidoo kale la kulmay madaxweyne Farmaajo waxaana uu yiri xili uu arrintaas ka hadlayey” Waxaan soo arkay madaxweynaha dowladda federalka Maxamed Cabdillaahi Farmaajo Muqdisho ayaan ku kulanay, waxaan kawada hadalanay wadankaan iyo sidii uu horay ugu socon lahaa, waxaana uu ballan qaaday inuu diyaar u yahay sidii ay doorashadu u qabsoomi laheyd oo waddankuna horay ugu socon lahaa”

Ugu dambeyn Boqor Burhaan ayaa waxaa uu diray baaq dhamman ista ay qusey doorasha waxaana uuri” Sida ugu dhaqsiyaha badan uguna wanaagsan oo doorasho ku qabsoomi karto inaad ku qabataan doorashada, Beesha caalaka oo marweliba nala garabtaagan sidii Soomaali ay arrimahooda ay u fududeyn laheyd  w axaan leeyahay inta beesha caalamka aysan idin soo farogashan  farqigi idiin dhexeeya dhameystira”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this