Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddiga xaqiiqo raadinta IGAD oo kulamo ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane

Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo dalka yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Ashkir ayaa guddiga soo dhaweeyey, kuna amaanay kaalinta uu urur gobeleedka IGAD ka qaadanayo xallinta khilaafaadka gobolka, isagoo u xaqiijiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay go’antahay ilaalinta daris wanaagga isla markaana ay ka rajeynayso dhanka kale dhowrista madaxbanaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, guddigan ayaa shalay kulan sidan oo kale ah la yeeshay wasiiro dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ayagoo ka wadahadlay arrimaha ku saabsan xadgudubka Kenya ku sameysay siyaasadda gudaha ee wadanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

137560882_2892903190940796_1303658328667085936_o 137339431_2892968480934267_6257883181249965911_o 137310750_2892968700934245_7943118564457014499_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this