Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland iyo Puntland oo Wadajir uga hadli doona Xaalada Dalka, iyo Qoorqoor oo la eedeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib Go’aankii ay Xukuumada Federaalka ku go’aansatay inay Doorashada ka bilaabayaan Dalka qaarkiid iyo Hadalkii Madaxweynaha Galmudug oo Mucaaradka iyo Aqalka sareba ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad lahayn ayaa waxaa iyana maanta dhankooda hadlaya Jubbaland iyo Puntland.

Sida muuqata labadaan Maamul waxay la fikir iyo la go’aan noqonayaan Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Mudharixiinta. laakiin waxaa loo badinayaa inay hadalo ka duwan ay kaga hadlaan Xalka Dalku wajahayo.

Waxaa la isku raacay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor uu ka been sheegay Waanwaantii uu waday, Midowga Musharixiinta oo Xalay hadlay iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna maanta Qoraal soo saaray waxay sheegeen in Madaxweyne Qoorqoor uu la kulmay iyaga iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, Go’aankii u dambeeyay ee ay isku ogaayeena uu ahaa inuu ku laabto Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin isagoo Fariin ka sidey Ragaan, Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada waxay sheegeen oo kale iney iyagoo tanaasul sameeyey ay jawaab ka sugayeen Qoorqoor iyo wuxuu kala kulmo Villa Soomaaliya, waxaa la carabaabay xitaa in Madaxweyne Qoorqoor uu qabsadey Sadex maalmood, sidey jawaab u sugayeen Musharixiinta, Axmed Madoobe iyo Deni waxaa xigay Shirkii jaraa’id ee uu Qoorqoor ku qabtay Villa Soomaaliya shalay oo sabti ahayd, wuxuuna hadalkiisa kusoo koobay in Mudharixiinta, Jubbaland iyo Puntland uu kasoo quustay sidaas awgeed ay gaareen go’aankaan.

Hadalkaas wuxuu lama filaan ku noqdey Mucaaradka iyo Labadaan Maamul iyo Waliba Gudoomiyaha Aqalka Sare oo qayb ka ahaa waanwaanta, waxayna kuwada tilmaameen in Madaxweyne Qoorqoor uu Been sheegay hadalkiisuna uu runta ka fogaa, Su’aasha la isweydiinayo waxay tahay Maxaa Madaxweyne Qoorqoor ku Khasbay inuu Fagaare ka been abuuro waanwaantii uu isagu waday?. Malaga yabaa in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni ay ka jawaabaan su’aashaan.

Waxaan hada sugaynaa Hadalka laga sugayo inay uga jawaabaan Puntland iyo Jubbaland.

Puntlandi.com Kismaayo

A2A3B4F3-EC9D-40A1-A257-C5208FF8D01E.jpe

The post Jubbaland iyo Puntland oo Wadajir uga hadli doona Xaalada Dalka, iyo Qoorqoor oo la eedeeyay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this