Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo yeelanayo kulan deg deg ah iyo go’aanka laga filan karo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la filayaa inay Magaalada Garoowe ku yeeshaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Ra’isulwasaare Rooble.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay soo saaraan war murtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladaha soo kordhay iyo halka ay ku dambeysay waanwaantii uu Dowladda iyo Maamuladaan ka dhex waday madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Axmed Madoobe ayaa Saciid Deni ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka shaqeeyey fashilka ku yimid waan waantii uu waday madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale labadaan madaxweyne ayaa laga filayaa inay gebi ahaanba qaadacaan Doorashada ay wado dowladda hadda jirta ama inay sidii hore ku baaqaan shir la isugu yimaado oo lagu xaliyo caqabadaha hortaagan Doorashada 2021.

Mushariixinta Madaxweynaha ayaa xalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku beeniyay Warkii kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ee ahaa inuu jawaa ka waayey, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo Doorasho loo boobo.

Dhanka kale wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay xiriir ay la sameynayaan dhinacyada dowladda Federalka, Maamul Goboleedyada iyo Saamileyda ay ka mid yihin Musharixiinta Madaxweynaha, iyadoo lagu wado inay War-murtiyeed culus kasoo saaraan is-mari waagga ka taagan Doorashada.

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqato inay sii galeyso jawi aan daganeyn, waxaana suuragal ah in arrintaan ay si deg deg ah usoo farageliso Beesha Caalamka oo looga bartay inay soo farageliso xaaladaha noocaan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this