Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deegaanno ku yaal miyiga degmada Isku-shuban, halkaas oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood.

Ciidamada Puntland ayaa kala dhex-galay labada dhinac oo dagaallamay, waxaana ay fariisimo ka samaysteen dhulka miyig ah oo colaaddu ka aloosaneyd.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaas waxa lagu amray in ay hirgeliyaan xabad-joojin hordhac ah, islamarkaana ay la socdaan dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dagaalamay.

Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka, kaas oo lagu doonayo in nabad la dhex-dhigo beelaha colaaddu dhexmartay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this