Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Hanti-Dhowrka Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Macdanta Iyo Koomishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Somaliland, ayaa maanta baadhiso ka Bilaabay wasaaradda macdanta iyo tamarta iyo guddida xuquuqul iinsaanka Qaranka.

Waxaa sidan lagu Sheegay qoraal la soo dhigay barta Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka in ay bilaabeen Baadhis iskugu jirta maaliyadeed, iyo mid wax-qabad iyo baadhista waafaqsanaanta shuruucda ayaa muddada ay socoto waxa fulinaya hawl wadeenno khibrad u leh nidaamka baadhisaha caalamiga ah.

Iyada oo isbaddallo horumarineed lagu sameeyay muddooyinkii u danbeeyay Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo la jaan-qaadaya nidaamyada caalamiga ah waxa ay suurto-galinaysaa horumarkaasi in baadhisuhu ka dhakhsa bataan kana tayo fiicnaadaan sidii hore iyada oo wakhtiga lagu xisaabtamayo.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Dirir, waxa ka go’an in la helo Qaran ka nadiif ah nooc walba oo musuqa.

Ayaa lagu yidhi qoraalkii koobna ee lagu baahiyay barta xidhiidhka bulshada ee facebook.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this