Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay waaxda 1-aad Baariyow ee deegaanka Garasbaaley, sid ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamada ilaalinayey waaxda, halka qofka kalena uu ahaa shacab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay baxsadeen dhacdada kadib raggii ka dambeeyey falkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, waxaana ciidamo ammaanka baaritaano kooban ay ka sameeyeen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this