Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Qabatay Sarkaal Lafdhabar U Ahaa Xisbiga Tigreyga TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay mid ka mida xubnihii loogu doon-doonista badnaa ee Xisbiga Tigreyga (TPLF).

Sebhat Nega oo 80 jir ah iyo sideed xubnood oo kale ayaa laga soo qabtay Gobolka Tigreyga, oo ay ku dhuumaaleysanayeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi.

Ninkan iyo xubnaha kale ee lala soo qabtay ayaa galabta diyaarad millatari lagu keenay Magaalada Addis Ababa, halkaasoo lagu maxkamadayn doono.

Sebhat Nega ayaa ka mid ah Saraakiishii lafdhabarta u ahayd Ururkii TPLF, ee afgembiga dalkaasi kula wareegay, sannadkii 1991-kii.

Dowladda Itoobiya ayaa bishii November weerartay Gobolka Waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray, iyadoo maalmo ka dibna hoggaamiye-yaashii TPLF u soo bandhigtay in ay isa soo dhiibaan, walow ay taasi ku gacan-seydheen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this