Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo kala dhex-galay beelo ku dagaallamay degmada Isku-dhuban

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan Ciidamada dowladda Puntland ayaa saaka oo Axad ah si rasmiya ula wareegay  degaanno ku yaal miyiga degmada Isku-shuban halkaas oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood.

Ciidamada dowladda ayaa kala dhex-galay labada dhinac oo dagaallamay waxaan ay fariisimo ka samaysteen dhulka miyig ah oo colaaddu ka aloosnayd.

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidankaas waxa lagu amray in ay hirgeliyaan xabad-joojin hordhac ah islamarkaana la socdaan dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dagaallamay.

Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka kaas oo lagu doonayo in nabad la dhex-dhigo beelaha colaaddu dhexmartay.

Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay shalay ayaa saaka deggan waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo kala dhex-galay beelo ku dagaallamay degmada Isku-dhuban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this