Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Musharixiinta oo Beenlow ku sifeeyey Madaxweyne Qoorqoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Musharixiinta Ridwaan Xirsi oo goordhaweyd Saxaafada la hadlay ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ee ahaa inuu jawaab ka waayay Mucaaradka, Puntland iyo. Jubbaland.

Afhayeenku wuxuu Qoorqoor cadeeyay in Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Qoorqoor ay markii u dambeysay isku ogaayeen Doorasho loo dhanyahay, Wuxuu kaloo raaciyey in Raysal wasaare Xigeenka iyo Qoorqoor ay markay Garowe ka tageen lagasugayay Jawaab, taasna aan ilaa hada laga helin.

Shir deg deg ah ayay caawa Midowga Musharixiinta ay ku yeelanayaan Hotel Jaziira kasoo ay uga arinsanayaan Go’aanka ay Maamulka Madaxweyne Farmaajo ka qaateen Doorashada Qaran.

Puntlandi.con Garowe

The post Midowga Musharixiinta oo Beenlow ku sifeeyey Madaxweyne Qoorqoor appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this